Sababaha timaha daadiyaa way badanyihiin laakiin waan soo koobaynaa oo 10 ka ugu muhiimsan ayaan sheegaynaa waxaana ka mid ah:
Inta Badan Wey Kala Duwan Yahiin Inuu Qofka Bidaar Yeesho Iyo Inay timaha Iska Bidaan Ama Jarmaan Xiliga Qubayska Iyo Xilyada Kale..
Haba 10 Qodob Ayaan Ku Soo Koobaynaa Sabbabaha Keenaya in ay timaha Bidaan.
1. Cudurada qaarkood haduu qofku leeyahay waxay u keentaa in timuhu ay daataan, sida cudurka sonkorta IWM, waxaana laga rabaa qofkaasi inuu ilaashado dawooyinkiisa.
2. Dhiiga oo hoos u dhaca, markaa waa inuu cunaa qofkaasi fitamiinka (jern) si uu dabiici unoqdo dhiigiisu.
3. Timaha oo si qalad ah loo shanleeyo ama si xooga oo adag.
4. Hadii qofka hormuunaatkiisu ay khalkhalaan, matalan haday gabadhu liqdo kiniinka uurka diidaya.
5. Hadii uu qofku uu xaalad nafsi xun ah ku jiro.
6. Dawooyinka qaarkood timaha way daadiyaan, sida dawooyinka kansarka.
7. Cunto xumida, sida qofka oo rijiim is dhuubid ku jira iyadoo jirku uu ubaahanyahay cunto, fitaamiinada oo ka maqan. Sidaa tardeed timuhu daciif ayey noqonayaan oo way daadanayaan marka la shanleeynayo.
8. Qofka marwalba marsada waxyaabaha midabka timaha badala ee kimikada leh, raadso mid dabiici ah.
9. Qofka oo da`diisu waynaatay, markuu sii waynaadaba oo uu daciifaba way siidaciifaan timihiisuna.
Share on Facebook