Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta badan ragooda uma sheegaan waxa ayna door bidaan in ninka iskiisa u garto arimahaas , waxa ayna u soo bandhigeyn iyaga oo ka baqaya in tashwiish uu ku furo xariirkooda, hadaba alcarabiya.com ayaa ku sheegeysaa arimahaas .Ninka Is Qanciyay: waa isaga oo is cajabiyay qaab waliba isuna arka in haweenka uu ku qasbi karo in jaceylkiisa uu ku dhaco, arintaan haweenka aad ayay uga caroodaan balse waa ay qarsadaan iyaga oo ka cararaya in bur bur qoys keento .
Ka Been Sheegidda Dareemaha: haweeneyda wax waliba ninka waa ka cafisaa marka laga reebo ka been sheegidda dareemaha . haweeneyda waa ay garaneysa marka ninkeedu leeyahay waan ku jeclahay in uu ula jeedo raali gilinteeda xiligaas ama ay ka tahay dareen dhab ah oo ka imaanaya xagiisa, ogoow haweenka waligood ma ilaawaan ninka ka been sheega dareemahiisa.
Garaacista Iyo Cayda (Aflagaado) Haweeneyda hal hal ayay u xasuusnaataa xumeynta ninka uu ku sameeyay intii lagu guda jiray waqtigii mushaakilaadka iyo qilaafaadka qoyska , ogaaw ninka si waliba oo uu uga cudur daarto una raali giliyo ma ilaawaan cayda iyo garaciista , waana xanuun mar waliba ay dib u soo kocoto.
Yasid Iyada Ah Ama Ehelkeeda: Arimo badan ayay hawaneeyda ka saamaxdaa ninkeeda balse waa ay ku adag tahay yasidda iyo bahdlidda iyada lagu sameeyo ama qoyskeeda in si sahal ah ku cafiso ogoow haweeneyda waxa ay jecashay ninka ixtiraama iyada iyo ehelkeeda.
In Haweeneyda Laga Qeyb Giliyo Go`aanada Guriga: Haweeneyda wanaag iyo ixtiraam ayay u aragtaa in ninkeeda kala tashato arimo badan oo ay wax ku darsato go`aanada guriga hadii ixtiraamkaas ay weyso waxa ay dareemeysa in ay tahay alaab guriga iska taal ee ninyahoow go`anada noloshiina fursad u sii xaaskaada in ay kaala qeyb qaadato.
cafimayaan.maxaad ka wadaaa war afsomaliga baro sida looqoro
waa maqaalkii aan akhriyo intii aan noolaa kii oogu liitay wlaahi waxaana ka xumahay 4 daqiiqo oo iga gashay.Majiro qof aaan ogayn waxaan dadku waa bilow aadan isdarema fadlan raadi mowduuc kan dhaama
Masha alaah sax tankale gabadhane waa in ay fikrad soo jeedisaa sida looga aqbalo
Mashalah wa arin sax ah walaahi waxan ben ahen in dumarka ey nacebyihin raga ceyda badan markasto amaan xaskaka siyey ku amanto
Marka hore waa idin salaamay bahda codka qaranka salan kadib waxaan dhixi lahaa waa rayi fiican haweenkana waxaa loogu baahan yahay inay telo fiican ay keenaan waxaan ku dari lahaa akhris tayaashana waa salaamayaa meel walbo ay joogaan dal iyo dibad by by