Wararka laga helayo Caasimada deegaanka Soomalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa sheegaya in fanaankii da’da yaraa Cali Dhaanto uu kasoo cararay deegaankaasi,isagoona una baxsaday dhanka Kenya.
Lama hubo sababta rasmiga ah ee Fanaanku uaga hayaamay magaalada Jig Jiga ee deegaanka Soomaalida Itoobiya , balse warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Fanaaka uu caga juglayn kala kulmay Madaxwaynaha Kililka Mudane Cabdi M. Cumar.
Fanaanka oo horay xiriir aad u dhow kala dhexeeyay Madaxweynaha Kilika Shanaad ayaa la sheegay in haatan uu madmadow soo kala dhex galay waayadan danbe, taasoo keentay in madaxwaynahu u hanjabo Fanaanka.
Alfanaan Cali Dhaanto marna ah Abwaan da’yar ayaa fanka deegaanka si weyn kor ugu soo qaaday, isagoona kusoo caan baxay ciyaarta dhaantada, waxaana si aada looga jeclaa gudaha iyo dibada deegaanka kilika Shanaad .
Inkastoo aan isku daynay in ana Xiriir la yeelano fanaanka ama Asxaabtiisa ,balse ma aysan noo suurta gelin Arrinkaasi .
Share on Facebook
kkkkkkkkkkkkkk