Fanaanada Caanka ah ee Saado Cali Warsame ayaa goordhow ku Dhaawcantay shil gaari oo ka dhacay Gudaha Degmada Purtinle ee Gobolka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya in gaarigii ay wadatay Fanaanada Saado Cali Warsame uu kula rogmaday meel u dhow degmada Purtinle ee gobolka Mudug.
Wararka waxeey intaasi ku darayaan in Fanaanada ay ka jabtay Gacanta oo kaliya haatan lagu dabiibayo Isbitaalk Weyn ee Mgaalada Garoowe,Waxaana shilkaasi ku geeriyood Wariye ka tirsanaa Idaacada Horseed Media oo Lagu Magcaabo Maxamed Cali sidaasi Waxaa Xaqiijisay Wasiirada Wasaaradda Arrimah Haweynka ee Maamulka Puntland.
Fanaanada ayaa la sheegay in ay kusii jeeday deegaanada loo magacaabay maamulka Goboleedyada Khatumo State of Soomaaliya,iyadoona Malinnimadii Shalay ka degtay Magaalada Muqdisho,Waxeeyna Maanta ka soo degatay Garoonka Diyaarada Gaalkacyo oo si weyn loogu so dhaweeyay,fanaanad ayaa xiliga ay shilka galeysay Waxeey ku sii jeeday deegaanad Maamulka Khatumo State.
Share on Facebook
Ilaahoow saado cali warsame noodaa waa wadaniyad waana jecelnahay hadaanahay s.ogadenia khaasatan kuwa jabhada taageera jecelna halganka ogadenia byy wa faiza ookusugan qabdahar