Wednesday, May 22nd, 2013

Haweeney Lagu QasbayInay iska Soo Tuurto Uur 7 Bilood Ah (Video)

Published on October 14, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay736

Dhacdo xanuun badan oo naxdin iyo argagaxna leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday koonfurta gobolka Shaanxi ee dalkaas Shiinaha ka dib markii haweeney lagu qasbay inay iska soo rido ama laga soo xaaqo uur 7 bilood ah oo ay la heyd maadaama ay haweeneydaas aysan bixin karin lacag ganaax ah oo ay ku muteysatey ka dib markii ay jabisay sharciga ah in qoyskiiba uu yeesho hal cunug maadaama ay haweenyedaas horey u la hayd gabar yar oo 5 sano jir ah.


Haweeneydaan lagu qasbay inay ilmaheeda laga soo rido oo lagu magacaabo Feng Jianmei oo 27 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay si lama filaan ah ama aysan ugu tala galin ay u qaaday uur xilli ay heysatey gabar yar oo ay horey u dhashay oo 5 sano jir ah, laakiin maadaama uu dalkaas shiinuhu leeyahay sharci dhigaayo inuusan qoyskiiba yeelan karin wax ka badan hal cunug ayaa waxay keentay in haweeneydaas markii uu soo shaac baxay uurkeeda oo markaas ahaa 7 bilood in lagu ganaaxo lacag gaareyso ilaa iyo 5.000 oo euro.

Riix Halkaan Si Aad u Daawato

Haweeneydaas oo aan awoodin bixinta lacagtaas ayaa ka dib waxaa loo sheegay in laga soo ridaayo cunugaas maadaama ay jabisay sharciga iyadoona markaas ka dib si qasab ah haweeneydaas la geeyey isbitaalka ka dibnahalkaas lagu siiyey daawooyin taas oo keentay 36 saacadood ka dib inay ka soo dhacaan ilmihii oo meyd ah islamarkaana ahaa ilmo korey oo weyn, arintaan oo aduunka oo dhan ka yaabisay sharcigaas qalafsan ee dalkaas Shiinaha ayaa waxay arintaan soo shaac baxday ka dib markii haweeneyda qabay ninkaas oo lagu magacaabo Deng Jiyuan uu barta internetka soo dhigay sawiradii dhacdadii foosha xumeyd ee qabsatey xaaskiisa.

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaas ay ka soo baxeen qeylo dhaano kala duwan oo ka kala yimid dunida guud keeda ayaa waxay arintaas keentay inay dowlada dalka Shiinuhu ay si deg deg ah shaqada uga ceyriso ilaa iyo 4 sarkaal oo uu ku jira madaxii qorsheynta caruurta qoyska ee gobolkaas kuwaas oo ku lug lahaa dhibaatada loo geystey haweeneydaas, Sidoo kale ayaa dowladu waxay raali galin siisay qoskii loo geystey falkaas naxariis darada ahaa, qaar ka mid ah dadka reer shiinaha ayaa waxay ku tilmaameen in waxa qabsaday haweeneydaas ay la mid tahay iydoo la diley cunugeedii, Sidoo kale ayaa sida uu sheegay ninka qabay haweeneydaas inkasatoo uu muuqeedu wanaagsan yahay inay hadana ay xaaskiisumaskixiyan ay soo gaareen dhib weyn islamarkaana ilaa iyo intii ilmahaas laga soo riday aysan cidna la hadlin.

 

Share on Facebook

Readers Comments (0)




Wararka Fanka

nadar

Fananad Go’aan Ku Gartay In Iyada Oo Aan Asturnayn Ay Hees Soo Qadi donin

Fananadan oo Ka mid ah fanaaninta da’da yare ...
asasa

Haku Dhaqmin afar Waxyaabood Marka aad Kugu Da jirtid Kulanka Sariirta

Waxaa la wada og yahay in haweneyda ay ...
ikaraan

Fanaanada Ikraan Caraale Oo Soo Saartay Hees Aan Muuqaalkeeda Looga Baran Sababtu Maxey Tahay?

Fanaanada Ikraan Calaale Oo In Dhawalaba Ka Maqneyd ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta ...
Cali dhaanto

Fanaan Caan ah Cali Dhaanto Oo Ka Goostay Deegaanka Soomaalida Itoobiya!!Sababtu Maxeey Tahay?

Wararka laga helayo Caasimada deegaanka Soomalida Itoobiya ee ...
ikraam

Maxaad Ka Taqaan Fanaanada Caanka ah ee Ikraan Maxamed Caraale?

Fanaanadan magaceeda oo buuxa waa Ikraan Maxamed Caraale ...
Xasan-Cujeeri-300x300

Fadeexo:- Musikiiste Xasan Cujeeri oo Computer-kiisa laga helay Naago uu Sexy ka duubay kadib markii la xiray .

Ciidamadda Boliiska Nairobi ayaa  Xabsiga u taxaabay Musikiiste ...
dareen

Maxaad Ka Taqaanaa Fanaanadda Caanka ah Nimco Dareen?

Fanaanada magaceeda oo buuxa waa Nimco Maxumad Xasan ...
ikraan-caraale-206x300

Ikraan Caraale “Wa Been In La Isoo Taagay Warqad Furiin ah Ee Website yada Waxaas Qoray Ha Xishodaan”

Waxaa Maalmihii ugu dambeeyey soo shaac baxayay warar ...
Sado-300x178

Fanaanadda Saado Cali Warsame Oo Dhaawac Ka Soo Gaaray Shil Gaari

Fanaanada Caanka ah ee Saado  Cali Warsame ayaa ...