Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in la ogaado su’aasha ah , Lamaanaha is qaba ee xalaasha isku ah maku raaxeeysan karaan Taleefanka.
Sida sharciga islaamka ku soo aroortay ninka xaaskiisa wax kasta oo uu ku raaxaysan karo waa ku samayn karaa wixii daliil khaas ah ku soo arooray mooyee,
Allaah wuxuu yiri { نساؤكم حرث لكم فأتوا حرثكم أنى شئتم } (Naagihiina waa beerihiina ugu taga beerihiina saad doontaan ) Alle wuxuu kaloo yiri :
وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ* إِلَّا عَلَى أَزْوَاجِهِمْ أوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
((mu’miniinta) waa kuwa ilaaliya farjigooda xaaskooda mooye iyo wixii gacantooda xanatay oo addoon ah,dadka doona arrinkaas wixii ka soo haray waa kuwa xadgudbay)
Marka xaaska wax kasta raaxaysi ah waad ku samayn kartaa istiin sheeko galmo Alle ayaa kuu banneeyey, marka waxaa isweydiin mudan ma bannaantahay ninka inuu xaaskiisa taleefan ugu raaxeeyo ?
Culimo qaarooda waxay dheheen haddii uu hadalkeeda ku gudan karo uuna u baahanaynin gacantiisa way bannaantahay laakin haddii uu u baahdo inuu gacantiisa isticmaalo ma u bannaana waa seego culimada qaarkooda waxay eegeen haddii qofka uu ka fogyahay oo ka baqayo inuu sino ku dhaco waa samayn karaa raaxada taleefanka xitaa haddii uu gacanta ku dhamaystirto maxaayeelay madaahibta islaamiga qaar baa qaba haddii qofka uu ka baqo sino inuu biyaha iska bixin karo waxaana laga wariyay imaam axmad,
Caalimka la oran jiray ibn xazm isaga seegada wuu banneyeyba wuxuu daliilsaday وقد فصل لكم ما حرم عليكم (Alle waa idin faahfaahiyey waxa uu idinka xarrimay)
Su’aashan waxaa la weydiiyay Sheekh ibn cuthaymiin wuxuu ku jawaabay waa banaantahay qofka inuu ugu raaxeeyoo xaaskiisa taleefanka laakin inuu gacantiisa adeegsado ma u bannaana haddii uu sino ka baqo mooyee. marka waxaan kaloon ku dari lahaa qofka la sheekaysanayo xaaskiisa waa inuu iska jiraa taleefanka maxaayeelay waxaa laga yaabaa ina la din dhegeyso.
Share on Facebook
Wa arin qatar ah arintaaso wayo wad ubaree markasto
Asc wr war all asxaabta dhan wan salamayaa intaa kadib waa ay wangstahay in ay sifudud qatan dhalintena somaliyet waxa ay sodhigeen walalaha dacada ah oo uutagan in ay ka bahi tiran wax walbn wangsn bulshadooda watna mahtsantihin sida at udhantihin ba asc
waaa
haa laakiin seegada xitaa damdi miyaane
Dabcan
Waxaa daliil kuugu filan inay siigada iwm aan la ogolayn aayada quraanka ah ee aad daliilka usoo qaadatay oo ah sidatan.
surat Al-Maarij Num 29-31
( (Mu’miniinta) Waa kuwa ilaaliya Farjigooda (Xubinta taranka) xaaskooda mooyee iyo wixii gacantooda hanatay oo adoon ah, dadka doona ( sameeya ) arinkaas wixii kasoo haray waa kuwa xadgudbay)
Aayadan waxay si cad kuugu sharaxaysaa ruuxa mu’minka inuu yahay kan xifdiya farjigiisa xubintiisa taranka aan ka ahay xaaskiisa iyo wixii gacantiisu hanatay oo adoon ah, ruuxii sameeya arinkaa wixii ka soo haray waa kuwa xad gudbay oo talaabay xuduudii Ilaahay.
Ruuxii gudbaa ama talaabo xuduuda Ilaahay abaalkiisu waa jahanamo.
Walaalayaal xaaskaadoo kaa fog by phone ama live “SKYPE” iwm oo aad gacantaada isaga keentay biyaha soow kama mid noqoneeysid ruuxii ay tilmaantay aayadan quraanka oo ahaa Ruuxii u isticmaala farjigiisa “Xubinta taranka” waxan ahayn xaaskiisa iyo wixii gacantiisu hanatay oo adoon ah,waxaan ahay wax alaaliyo waxay doonto hanoqoto you named ruuxii u isticmaala farjigiisa waa ruux xadgudbay oo talaabsaday xuduudii Ilaah, hadayse xaaskaada kula joogto oo ay gacanteeda ayadoo isticmaalaysa biyaha aykaa keento farjigaadii ayada ayaad u isticmaashay hadiise gacantaada aad isticmaasho ayadoo kafog farjigaada waxaad u isticmaashay waxaan xaaskaada ahayn oo gacantaada ayaad isticmaashay, Wabilaahi tawfiiq.