Magaalo yar dhacado galbeedka dalka Hindiya ayaa laga mamnuucay haweenka aan garin 40 sano in ay banaanka ubaxaan iyada oo aan lala socan, sidoo kale in haweenku ay guursadaan ninkii ay kahelaan, waxaa kale oo haweenka lagu amray in ay madaxooda Daboolaan, taleefanka gacantana aysan isticmaalin.
Gudoomiyaha golaha xaafada Sattar Ahmed, ayaa yiri “guurka jaceylka kuyimaada waa mid sumcada wax udhimaya oo bulshadu kaxishooto”.
“Guurka nuucaas oo kale ee ku yimaada jaceylka waxa uu aad qalbiga uga jebinayaa walidiinta gaar ahaan waalidka gabadha sidaas ayaanna umamnuucnay”. Sidaa waxaa yiri Sattar .
Golaha deegaanka ee xaafada Asara ayaa go’aankasi gaaray , arintaasna warbahinta Hindiya waxa ay kutilmaamtay habkii Taalibaan u dhaqmi jireen oo kale.
Booliska ayaa iyana baaraya wixii keenay in golaha deegaanka xaafadaas ay arintaasi ku dhaqaaqaan.
Amarkaas waxa uu dhaliyay caro aad uxoogan iyada oo ay horay ujireen kutumashao xuquuqda haweenka ee Dalka Hindia.
Wasiirka arimaha gudaha Dalka Hindia ayaa ku sheegay amaradaasi mid aan wanaagsaneyn oo aan bulshadaa meelna ka anfaceyn.
Wasiirka ayaa booliska ku amray in ay kahortagaan cid waliba oo xaquqda haweenka kutumaneysa,
waxa ayna golaha deegaanka oo arintaas iyagu ansixiyay ay kudifaaceen go’aankooda in uu yahay mid haweenka looga ilaalinayo anshax xumada.
Sudha Sunder Raman oo ah haweeney kamid ah madaxda urur udooda xuquuqda haweenka Hindiya ayaa waxa ay sheegtay in go’aanka sheegaya in gabdhaha ilaa 40 ay kagaaraan la ilaalinayo in uu yahay mid xad dhaaf ah sharciyada dalkana kahor imaanaya.
Mamta Sharma oo iyana madax ka ah gudiga qaranka ee haweenka Hindiya ayaa iyana ku sheegtay go’aan lagu qoslo oo aan maranaba dhaqan geli doonin.
Golaha go’aankaan gaaray waalaga maarmaa oo xagga dhaqanka ayeey ka yimaadeen loomana afduubnaanayo waalaga boodayaa sharcigas ayeey raacisay, Mamta Sharma.
Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada
Aymancade@hotmail.com