Tuesday, May 21st, 2013

Maxaad Ii Qayaantay Aad Ayaan Kuu Jeclahay?!!! [Dhacdo Xanuun Badan]

Published on October 20, 2012 by   ·   4 Comments Waxaa Aqrisatay2314

waxaan ku dhashay magaalada Xamar waxaan ku soo barbaaray guri ku yaal xaafada Taleex, Wax barashadeeduna waxaan ku soo qaatay dugsi agagaarkaas u dhaw magaciisa la dhihi jiray Hooyga Xamar wax barashadeedina aad iyo aad ayeey u fiicanaan jirtay waxaan ardayda kutartami jiray kaalimaha.

Maalin maalmaha ka mid ayaan waxaan aaday Footo ku taal degmada Xamar Jajab iyadoo Footaduna ay mashquul tahay Markaas ayaan fariiiistay kuraas meesha taalay oo logu tala galay sugida Footada waxaan weediyay midka kamid ah kuwa qaabilsan qorista ama diiwaan galinta sawirka, waxaan ku yiri meeqa qof ayaa iga horeeso aniga waan deg deg sanahay, waxuu igu jawaabay in badan ayaa kaa horeeso.

wax badan markaan sugay ayaan daahsaday anigoo is dhahaayo waqtiga ayaa kuugu yar, waxaa soo gashay midiii aan caashaqay iyadoo dooneesa sawiro teesaro ah oo looga soo diray iskoolka ay dhigato si ay u diwaan galiso foomkeeda iskuulka in yar kadib ayay ila hadashay waxayna igu igu dhahday imisa qof ayaa iga horeesa anigana xogaa markaas qalbiga ayaan ka hadlay waxaan iska dhahay waa tii ku cajib gilisay markaaseey anigoo filaneeni igu tiri walaaloo waxaad u egtahay qof deg degsan anigoo aan is dhaheenin way kula hadli doontaa markaas ayay ii noqatay fursadiin aan isku wada sheekeesan laheen kadib waxaan ku yiri haa isha ayaad ka riday side ku fahan tahya markaasa ay igu tiri wan iska qiyaasay, markii aan arkay dharaska kugu jiro.

Kadib Muno waxay bilaawday in ay iskee barto waxeyna igu tiri aniga waxaa lay yiraahdaa Muno.Anigane waxaan bilaaway inaan isbaro waxaan ku yidhi anigoo fiigiigsan oo weligeeyna gabar la hadlin ayaan magaceega u sheegay barasho wanaagsan waxay ila noqatay markii aan is baranay faxada igu weyn dunida in aan haaysto, run ahaantii xilligaas waxaan ahaa wiil iska dhalinyaro ah, sidoo kale maanan ahayn ragga khibrada badanu leh la-haasaawida dumarka.

Kadib waxaan ka la qoranay telefoonada waxaan ilaabay waqtiyada la helaayo ay firaaqada thay habeenkii oo dhan waxaan lahaa hadii aad wacdo telefoonka gurigeeda, iida miyaa kaa qaban doonto, maxaan semenayaa hadii aan weydiin lahaa qolkeedda miyuu ku jiraa telefoonka mise qolka aabeheed ayaan ku jiray iyadoo ay xaaladu igu cakiran tahay ayaan waxaan wacay teleefankii Muno ii qortay nasiib wanaag Muno ayaabo iga qabatay, waan is xaal weedinay xoogaa waan sheekeesanay iyadoo qosleesa aniga na faxad igu jirto sacadooyin badan markii aan sheekeesanay habeen kaas wixii ka dabeyay waxaan saad ku noqanay xariirka telfoonka.

Muna aad iyo aad ayaan isku fahany qosolkena farxadeena baashaalkeena marba markii ka dambeysaba wuu sii siyaadayay kadib si saa’id ah ayaan isku jaclaanay .

Maalmo kadib muna jaceylki wuxuu isku badalay jaceyl dhab ah waxaan ku heshiinay oon balan iyo axdi jaceyl

kadib Muno aabaheeda ayaa xanuunsaday waxay ii sheektay in ay bixi rabto abaheeda xamuun saday dartiisaa in aya raaci rabto abaheeda oo Turkiya loo qaadi doono. Muno iyo aniga waaxaan adkeenay balanti iyadoo ay ifarax gelineyso Muno iyo abaheeda waxaa loo qaaday wadanka Turkiya .

Mudo kadib xiriikeyna siduu usii socday Muna abaheeda wuu caafimaaday nasiib wanaag aniga waxaa ii dhamaaday iskuulka waxaan go’aan saday ina aan Turkiya jamacadd u tago markii aan
ka tagi rabay Xamar ayaan wacay Muno nasiib daro taleefoonkeeda gacanta waa ii bixi waayay kaasoo luqada Turkiyaku dhahaayo lama helikaro anigoo aan aqoon u laheen waxaan isku dayay in aan tajumto aan ku sameeyo, markii dambe ayaan ogaaday in uu hawada ka maqan yahay.

nasiib wanaag waxaan soo gaaray wadan ka Turkiya waxaan ku dagay hotel ay Muna dagan yihiin mid u dhaw anigoo aanan ogeyn, oo aanan miirba laheynin.walwalne i haayo qalbigeega wax uu jiray dhan ka Muno anigoo said u jecel durbadiiba waxaan bilaabay in aan Waco Muno dii aan jeclaay nasiib daro weli waxa uu ka maqnaay hawada .

waxaan wacay walaalkeeda yaraa oo jooga magaalada Xamar si aan u weediyo Muno xaal keeda wuu i xalwediyay kadib waxaan weediyay taleefoonkeeda si aan u ogaado in ay badashay wuxuu isiiyay kii aan hore u haystay oo hawada ka maqnaay.

Mudo markaan joogay anigoo sii wata jamacadeeydii oo qal qal i gilinaayo jaceylki Muno aan u qabay ayaa laba laab igu noqday jaceylkeeda, waan ahaan waayay.

markii aan galaaska galo waxaa ii muqanayay gawadhii aan jaclaay hasa ahaatee waan quusan waayay .
Waxaan dibusoo wacay Muno wallalkeeda anigoo ka xishoonaayo inaan weediyo Muno teleefan keeda waxaan si rer magaal nimo leh aan ku weediyay cabaar markaan la hadlaayay sxb Muno side tahay, xaaladeedda ? waxas igu jawaabay maxaa dhacay weli kama war haysid miyaa ? markaasaan ku yir aboowe weli kama war haayo teleefoonkeedana hawad ayuu ka maqan yahay kadib waxuu ii sheegay in ay ka soo wacday maalin ka hor kabiin yada mid ka mid ah kuwa jidad ka ku yaal in ay ku sugan tahay Xaafadda aa aniga deganahay.

Anigoo xaalka saa’id igu xun yahay ayaan is celin waayay waxaan ahaa mirkii igu horeeyay ee jaceyl igalo.
Waxaan bilaabay in aan jidadka ka raadiyo guryaha ku war wareego maalmo kadib ayaan akay wiil iiyada la dhashay waxaan weediyay xaladiisa sheeko dheer kadib wuxuu ii sheegay in uu dan inta u yimid ay tahay Arooska walaashiisa la dhalatay ee Muno oona ka dhici doono xaafadaan degan nahay, waan ilimeeyay anigoo qalbiga ka qafiifay aan is garan waayay meel aan joogo iyo meel kale waxaan dareemay xanuun aad iyo aad u kulul Weliba asigoo og in uu xiriir naga dhaxeeyo markaas ayuu igu daray in ninka guursanooyo aas yahay mid ay iida ilma adeer yihiin uuna ka imaanooyo Mancheter.

Anigoo aad iyo aad uga xanuun sanaayo qisada igu dhacday ayaan garan waaye waxa aan sameeyo hebeen markii la gaari anigoo ayaan daran hurda ii gambisay, duruustii qaadan waayay, danaheegana ubeerdareeyay ayaan ku yiri “da’yartiin doortayee dooqeega noqatee dulmi ilamaaktee.

dadweynoo dunida wayniga dawoolan tahayee in ayar kadib waxaan isoo wacay midki iida ladhashay wuxuu igu yir Muno ayaa ila jookto wayna ku rabtaa anigoo waxaan sameeyo garaneenin ayaan la hadlay waxaan garan waayay meesha aan ka bilaabay iyo meesha ay ku dhamatay markiin aan isa saray teleefoonka ayaan soo xasuustay in aanla hadlay gawadhi aan jecely ka, waxaan la yaabay qadir daqiiqado anigoo lahadalay oona garan waayay hadalki na dhexmaray.

Maalmo kadib waxaan la kulmay Hotelka aan degnaay mid ka soo horjeedo markii aan maagay in aan u dhabaado ayaan waxaan maqlay iyagoo ka sheekeenaayomuna arooskeeda siduu u dhacay anigane sidaas ayaan ku guul dareestay.
Magaaladaasi waan iskaga tagey waxaan hada ku noolahay magaalad mareekan ka.

Dadweynoo
1: Maxaad samey laheed tanoo kale hadii ay kugu dhacdo ?
2: ma ogaan kartaa sababaha keeni in ay ogalaato nin kale ?
3: Iida miyaa qaldan mise aniga ayaa qaldan?
4: Maxay ii sheektay markii ay telefoonkeyga soo wacday adigoo qiyaasaya ?

Share on Facebook

Readers Comments (4)

  1. ibrahim mahamud gure says:

    walal aad baan oga xumahay qisadan kugu dhacday ee xanunka badan, wan daremi kara xanunka aa darentay balse oksonow oo aminsanow in calafka wax walbo kusin karo ama kudidi karo

  2. C/risaq says:

    Waa arinlaganaxo walal lkn iskasabar walalo adunyada waa hadba galin

  3. Abdifatah says:

    Calafka ayaa filinka akteerka ahaa,
    laakiin filinka saleemaankhaan iyo raani walaahi waan daawaday,,
    waxaan ka wadaa waxaagu waa filin….

  4. Mohamud Aden Tabliiqa says:

    Sxb Sare Iska Samir Oo Waxaa Laga Yaabaa In aad Hesho Mid Raaliyo Ah Oo aad Ku Dagto

    Calafkana Waa Mid Cajiib Ah

    Ee Kuma Qorneen Iska Sug Waxuu Ale Kuu Qoray Insha Allaah




Wararka Fanka

nadar

Fananad Go’aan Ku Gartay In Iyada Oo Aan Asturnayn Ay Hees Soo Qadi donin

Fananadan oo Ka mid ah fanaaninta da’da yare ...
asasa

Haku Dhaqmin afar Waxyaabood Marka aad Kugu Da jirtid Kulanka Sariirta

Waxaa la wada og yahay in haweneyda ay ...
ikaraan

Fanaanada Ikraan Caraale Oo Soo Saartay Hees Aan Muuqaalkeeda Looga Baran Sababtu Maxey Tahay?

Fanaanada Ikraan Calaale Oo In Dhawalaba Ka Maqneyd ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta ...
Cali dhaanto

Fanaan Caan ah Cali Dhaanto Oo Ka Goostay Deegaanka Soomaalida Itoobiya!!Sababtu Maxeey Tahay?

Wararka laga helayo Caasimada deegaanka Soomalida Itoobiya ee ...
ikraam

Maxaad Ka Taqaan Fanaanada Caanka ah ee Ikraan Maxamed Caraale?

Fanaanadan magaceeda oo buuxa waa Ikraan Maxamed Caraale ...
Xasan-Cujeeri-300x300

Fadeexo:- Musikiiste Xasan Cujeeri oo Computer-kiisa laga helay Naago uu Sexy ka duubay kadib markii la xiray .

Ciidamadda Boliiska Nairobi ayaa  Xabsiga u taxaabay Musikiiste ...
dareen

Maxaad Ka Taqaanaa Fanaanadda Caanka ah Nimco Dareen?

Fanaanada magaceeda oo buuxa waa Nimco Maxumad Xasan ...
ikraan-caraale-206x300

Ikraan Caraale “Wa Been In La Isoo Taagay Warqad Furiin ah Ee Website yada Waxaas Qoray Ha Xishodaan”

Waxaa Maalmihii ugu dambeeyey soo shaac baxayay warar ...
Sado-300x178

Fanaanadda Saado Cali Warsame Oo Dhaawac Ka Soo Gaaray Shil Gaari

Fanaanada Caanka ah ee Saado  Cali Warsame ayaa ...