Fanaanadan magaceeda oo buuxa waa Ikraan Maxamed Caraale waxaa dhalay Fanaan caan ah kana tirsanaa Hobaladii qaranka Soomaaliyeed ee Waabari, Ikraan waa Fanaanad aad u da’yar waxayna saaxada Fanka ku soo biirtay waqti aan sidaa u fogeyn walow ay ku soo barbaartay Guri fan ku dhisan iyo fanaaniin dhexdood, Ikraan Caraale Heestii ugu horeysay ay qaado waxaa lagu magacaabaa “Love love” waxeyna isla qaadeen Fanaanka da’da yar ee Cabdi Holland waxaana erayada Heesta sameeyay Abwaan Faarax Murtiile.
Ikraan waxey durbadiiba noqotay Fanaanad cod macaan oo hanata ama soo jiidata dhegeystayaal fara badan waxayna sii laba jibaartay soo saarida heesaha maadaama ay aragtay in ay tahay fanaanad mustaqbal ku leh Fanka Somalia, Ikraan mar wax lawaga weydiiyay cidda ku soo gacanqabatay Fanka, waxey carabka ku dhifatay in aysan jirin qof si gaara ay u carabaabi karto oo fanka garab ku siisay waxayna hadalkaas sii raacisay Fanku dhiigeyga ayuu ku milanyahay aad ayaana u jecelahay.
Ikraan Mxamed Caraale waxaa lagu tilmaamaa dabeecad ahaan in ay tahay qof deganaan badan mar welibana iska faraxsan, dhanka kale waa fanaanad aad u cod macaan waxaana lagu tiriyaa in ay ka mid tahay fanaaniinta hadda jirta kuwa ugu codka wanaagsan, Ikraan waxa ay leedahay Heeso badan oo lamaane iyo kaliba iskugu jira waxaana ugu horeeya Heesta “Garaasiiya, Mililico, Love Love, iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Sikastaba ha noqotee Fanaanadan Ikaraan Caraale ayaa mustaqbal ifaaya ku dhax leh Fanka somaalia waxayna isku darsatay oo saacidaya soowd macaan iyo da’deeda oo aad u yar iyadoo sanadkii hore ku guuleysatay Abaal marinta ay Sanadkiiba mar bixiso Shabakadaan Jilaa.com taas oo cod loogu qaado Fanaaniinta Somaaliyeed,waxaana Sanadkii tegay ee ( 2010 ) ku guuleysatay Fanaanadii ugu fiicneed Ikraan Caraale, waxaana leenahay horu mar wanaagsan halkaasna kasii wad Fanka.
Share on Facebook
Waxaan leyahay silabo laab dadaal kada guul guul wacan
mansha allah
Ma xuma ta laftigada sanad kastana waxa so baxa waxa cusub adunkana wuxu jecelyahay wax cusub marka anagana waxan raabna waxa cusub waxan shaalay arkanay ma raabno in arakno mar laabad =tnkx all wariya and qoora
Ikran ilaahay ka baq dadka ku amanaya way ku dagayan ka toobad ken heesaha
Asc dhaman umada somaliyed wan salamaya salanta islam marka xigta walalayal qof aan manta ogeen majiro in ay danbi tahay musiko ladhageysto iyo waliba iyadoo lagaraacaba marka qof noolanaya aduunkan majiro waa lawada dhimanaya marki ladhintana su,aal cadiim ah ayaa nootalee hadii aan kudhiiro galino ineey danbiga ay kujirto siiwadado ilaayo uu mawdka uka imanayo maxey ilaahey uku jawaabi su,aalihiisa danbe marka aniga waxan kula talin laha walashey iney is asturta cawradeeda aybanaanka sodhigtay allena kabaqda xasuusatana ineey GEERI iyo SU,AALO naga danbeeyso aduunkan dalacsiintisa iyo abaalmarintisa midna faaiido maleh marba hadaad kadageeyso marka mida aaqiro ayaa mudan in loodadaalo taas ayaa qiimo badan inooleh
waxan ad uga hela hesahaga adka u mcnta badan ikran
Asc marka hore waxan dhihi lahay walashey ka doobad keen heesaha iyo cowradada qawned marka xigane is astur illaheyna bari markasto
Asc marka hore walashen waxan dhahi laha in ay tobat keento isna asturto aduunka wa wax yar marka aakhira xasuusa maxa camal ah o ka horeeya