Saturday, May 25th, 2013

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 1aad

Published on October 14, 2012 by   ·   3 Comments Waxaa Aqrisatay1782

Afeef.Qisao daan Waxeey ku dhacday Gabar Soomaaliyeed oo haadan ku nool Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,Waana Qiso aad u Xanuun badan Haseyeeshee Magaca Gabdhaan ayaa diiday in la daabaco Balse Waxeey ku soo Koobtay oo Kamliya A.M.

Qeybtii Koowaad ee Qisadaan

Magaceygu Waa A.M Waxaan ku dhashay kuna soo barbaary Magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa 18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii Dugsiga Hoose/Dhexe ku dhamaystay.

Maalin Maalmaha ka mid ah waxaan isbaranay Wiil laguu Magacaabo Mahad waxuun ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay inkastoo uu iga waynaa da’ahaan ilaa 8 sano sida aad ogtihiinba da’da raga iyo dumarka farqi baa u dhexeey.

Aniga iyo Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog  iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah) waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale.

Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah iyadoo xilli uu roob ka da’ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo Xiligaasi aad loo xiisaynayay.

Kama diidi karin codsigiisa waayo waxaan ahayn laba ruux aad isugu weynaay, waxaan u sheegay in uu ii soo noqdo si aan isugu diyaariyo, isagana hadal kama soo celinin waa uu iga ogolaaday, waxaana caado noo ahayd in aan isu weheshano riwaayadaha, aroosyada, garoomada ciyaarahu waxay noo ahaayeen kuwo noloshayada ka mid ah, Waayo isagaa wata  gaari noo sahla aadista goobahas.
Waqti yar kaddib buu soo noqday anigoo diyaar ah waxaan u jaan qaadnay xagii degmada oo hayd halka riwaayada 15-ka Shumeey habeenkaa lagu dhigay dadkuna aad ugu buuqsanaa,laakiin Nasiib wanaag anagu waa haysanay tigitka oo Mahad baa soo gooyey intii aan is diyaarinayey, si fudud baan albaabka u gudubnay, Kadib daawashadii riwaayada oo aad u xiiso badnay, ayuu iga codsaday in aan magaalada dibada uga baxno, waana ka aqbalay waxaan Tagnay aaga u dhexeeya Dugsiga sare iyo Mashruuca oo aad u qurux badnaa, Markaa  iyada ah anigu Mahad uma hayo wax dhaafsiisan Jacayl walaalnimo, balse isagu mid ka duwan ayuu wataa sidii uu iigu soo gudbiyeyna waa sidan:

Mahad: Walaal A…m ma ogtahy in aan aad kuu jeclahy………..

A.M: Haa oo aniguba waan ku jeclay mid walaalnimo.

Mahad: Laakiin anigu waxaan kuu jeclahay si dhab ah ……
A.M: Oo Hadaa ma kaygaa dheel ah maxaa walaalinimo ka fiican?.

Mahad: Waa ogahay in walaanimo qaali tahay, lakiin aniga waxaa ila soo gudboonaaday hami iyo Arrimo kale oo la xiriira Jacaylka aan kuu qabo oo iga ah dhab in aan nolosha kula qaybsado baana iga go’an.

Runtii waxay igu noqotay fajac si aan ku aqbalo ma aqaan si aan ku diidana, waxaanse ka codsaday in uu isiiyo waqti aan ku soo fekero, waana iga ogolaaday.

Waxaan ahaa gabar markaa soo kacday oo aan weli cid la sheeko wadaagin marka laga reebo Mahad iyo C/salaan oo mid walaalnimo naga dhaxaysay mooyee, hadaba waxaan ka badin waayey in aan aqbalo codsigii Mahad uu ii soo bandhigay.

Waa habeen Isniin ah, Jawigu waa mid aad u qurux badan, waxaan ku kulanay goob gawaarida Taxi laga kireeyo anigoo soo sagootiyey gabar aan isku galaas nahay, wuxuu igu yiri aan idin qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadiijo
xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel aad u qurux badan ayuu si haleel ah su’aal i waydiiyey?

A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii..? Aad baan u naxay waayo xishoodku waa ii saamixi wayday in aan markiiba iraahdo waa aqbalay, markaan cabaar aamusnaa ayuu mar kale yiri “Miyaanan u qalmin in aan ku jeclaado..?.” mar kale ayaan argagaxay oo aan ka naxay hadalkaan dambe waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya “Waad u qalantaa walaal waana
aqbalay”

Runtii markii aan sidaasi dhahay Mahad aad buiu u farxay wuuna isgu soii baaday isagoo hab isiiyay.

Sheeko badan oo farxad ku dheehan tahay baan habeenkii meeshaasi ku wada qaaday,anigoo aad u xishoonayo Saacado kadib waxaansoo wajahnay goob laga cunteeyo si aan uga casheyno,markii aan Cashad Dhameysanay waxaa soo aadnay xaafadeyna si aan u kala aadno hoygeena,wuxuu igu soo qaaday gaarigiisa,markii aan imaany gurigeyga waan is macsalaameyna sidaasi ayaan ku kala tagnay.

Habeenkaa oo ay Taariikhdu waxay ahayd 16/6/2005 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/2008 kii waxaan ka noqonay Xaafedeyna kuwo lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo Nasiib daro waxay na soo wajahaday markii ay dagaaladii Itooboyaanka ka bilowdeen Soomaliya ayaa si lama filaan ah u kala fogaanay anagoo aan kal aqaadan wax adrees ah
weliba midka kale uusan aqoon meel uu aaday.

Maxaa Xigay? Ma is helnay? Xanuunkii Jaceyl ee Nairobi igu qabsaday?  aaaaaaaaaaaaaah !!

Dhamaan Su’aalahaan Jawaabtooda Kala Soco Qeybta Labaad.

Share on Facebook

Readers Comments (3)

  1. C/risaq says:

    Midba kankale kasidaran ala xanunbadana

  2. Amiin kacaan says:

    Hadaba aynu eegno qeybta 2aad

  3. cobrawali22 says:

    Asc habane waan sugaynaa qeybtii two




Wararka Fanka

nadar

Fananad Go’aan Ku Gartay In Iyada Oo Aan Asturnayn Ay Hees Soo Qadi donin

Fananadan oo Ka mid ah fanaaninta da’da yare ...
asasa

Haku Dhaqmin afar Waxyaabood Marka aad Kugu Da jirtid Kulanka Sariirta

Waxaa la wada og yahay in haweneyda ay ...
ikaraan

Fanaanada Ikraan Caraale Oo Soo Saartay Hees Aan Muuqaalkeeda Looga Baran Sababtu Maxey Tahay?

Fanaanada Ikraan Calaale Oo In Dhawalaba Ka Maqneyd ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta ...
Cali dhaanto

Fanaan Caan ah Cali Dhaanto Oo Ka Goostay Deegaanka Soomaalida Itoobiya!!Sababtu Maxeey Tahay?

Wararka laga helayo Caasimada deegaanka Soomalida Itoobiya ee ...
ikraam

Maxaad Ka Taqaan Fanaanada Caanka ah ee Ikraan Maxamed Caraale?

Fanaanadan magaceeda oo buuxa waa Ikraan Maxamed Caraale ...
Xasan-Cujeeri-300x300

Fadeexo:- Musikiiste Xasan Cujeeri oo Computer-kiisa laga helay Naago uu Sexy ka duubay kadib markii la xiray .

Ciidamadda Boliiska Nairobi ayaa  Xabsiga u taxaabay Musikiiste ...
dareen

Maxaad Ka Taqaanaa Fanaanadda Caanka ah Nimco Dareen?

Fanaanada magaceeda oo buuxa waa Nimco Maxumad Xasan ...
ikraan-caraale-206x300

Ikraan Caraale “Wa Been In La Isoo Taagay Warqad Furiin ah Ee Website yada Waxaas Qoray Ha Xishodaan”

Waxaa Maalmihii ugu dambeeyey soo shaac baxayay warar ...
Sado-300x178

Fanaanadda Saado Cali Warsame Oo Dhaawac Ka Soo Gaaray Shil Gaari

Fanaanada Caanka ah ee Saado  Cali Warsame ayaa ...