Mudo dheer markii aan is le,een Waxaan soo gaaray magaalada Nairoobi ee xarunta u ah dalka Kenya ,waxaan ku kulanay gabar aan isku deegaan ahayn salaan kaddib waxaan waydiiyey bal in ay meel ku ogtahay Gacaliyahaygii Mahad ?waxayse ii sheegtay arrin aad iyo aad uga qiirooday oo ah in uu waashay oo uu qashinka ururiyo qofkii dumar ah ee uu dhaayaha A.M uu magacayga ugu yeero, daqiiqado oohin iyo calaacal ayaan jabsaday, kaddib waxaan waydiiyeey meeshii ugu aragti danbaysay waxayna igu tiri “Magaalada Xamar, gaar ahaan Xaafada Siinaay ee Magaalada Muqdisho.
In cabbaar ah ayaan saldhigtay jirdiin u dhowaa goobtii aan ku kulanay gabadhii raadkan xun igu reebtay, su’aallo badan oo aan isweydiiyay kaddib ayaa waxaan go’aan saday in aan dib ugu soo noqdo Xamar si aan dhibka ula qaybsado wiilka ay kala fogaantayadu qalbigiisa dhaawacday.
Waxaan u soo anba baxay Magaalada Muqdisho 12-5-2011 kii anigoo aan cidna u sheegin xitaa waalidiinteeyda ,Waxaay ahayd xili ay aad iyo aad nabadgelyadu u xumayd oo gaarigii aan ka soo raacay KM 4 ayaa laygu baartay meel waxayar u jirta kuliyadii Lafoole, waxaan hakaa ku waayey wixii aan sitay oo sahay ahaa,anigoo aan waxba sidan labadii shay oo aan xirnaa mooyee ayaan soo galay Xaafadii aan ku soo degayay oo ay lahaayeen reer aan macruuf ahayn, Waayo mid walaalkay lahaa oo xaafada madiino ku yiil ma aadi karo Nabadgelyo awgeed.
Markii aan soo gaaray ugurigii aan u socday mise waa hore ayaa laga qaxay, waxaan waydiiyey reerkii guri ahaan ugu xigay waxayna ii sheegeen inay Yaaqshiid u guureen oo beeshoodu ka taliso.
Waxaan qaatay tilmaantii la i siiyey waxaana beegsaday meeshii la ii tilmaamay shido badan kadib waxaan ku guulaystay in aan helo gurigii ay ku noolayeen macruufkaygu haseyeeshee qofkii u horeeyey oo i arkaa wuxuu iigu yeeray magac beeleed aan aad u dhibsaday.
Waxaana go’aansaday in aan dib uga laabto iyagoo ila sii hadlaya ayaa dhabarkaygii ka qarsoomay, waxaan beegsaday dhanka siinaay oo aan is leeyeyhey bal ka doon doon kii aan dartiis dalka ugu soo laabtay,
Share on Facebook
Waaaw waa qiso xanuun bdn runti haye maxaa xiga hade
Asc runtii waa qiso xanuun bdn inshaa alaah ina adeer waad gulaysani qalbigana qeyr u sheeg guul ayaan ku rajaynayaa waadna heli jaceylkaaga