Wednesday, May 22nd, 2013

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 3aad

Published on October 14, 2012 by   ·   3 Comments Waxaa Aqrisatay1829

Waxaan isku dayay in aan raadiyo Mahad oo la ii sheegay in uu waashay, balse Maalintaasi koowaad ee aan imaaday Magaalada Muqdisho  iima suuroobin in aan helo,waayo  gabalkii wuxuu iga dumay anigoo aan helin xataa cid ii sheegta.

Waxaan garaacay albaabkii iigu iigu dhowaa markii gabalku dhacay ,waxaase iga furtay qof aan aad isugu faraxnay Waxaana na dhex martay Sheekadaa marxabeeska ah.

All waa A.M ———ooow khadiijo—–Alla xagee ka timi macaanto ———-huuno Waxaan ka mid  Nairobi ———-ok Walaal soo gudub, kaalay qubayso oo dharka iska bedel iyo ereyo kale oo aad umacaan bey saaxiibteey khadiijo igu soo dhaweysay.

Intaas ka dib ayaan is warayanay saaxiibteey khadiija oo mudo dheer aan kala maqneed ,waxaan u sheegay u jeedada socodkayga iyo in ay i caawiso si aan u helo wiilkaa dartay u dhibaataysan.

Waxay ii sheegtay in ay reerkoodii u qaxeeyeen Malaada Baladwayne ee Gobolka Jiiraan, hase yeeshee uu joogo wiil ay walaalo ahayeen oo gaari wata Labadii maalmoodana uu mar yimaado oo ka shaqeeya inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Beledwen.

Waxaan ka codsaday in ay i tusto meesha uu ka baxo si aan ugu raaco Magalaad Baladwayne,Nasiib wanaag maalin ka dib ayuu yimid wiilkiii aan badi goobayay Walalakiisa, markii aan la kulamay wuxuu ii muujiyey weji furan iyo farxad, wuxuuna ii sheegay in uu beri tegayo, Laakiin markii aan sheekada iyo ujeedkeyga u sheegay wuxuu igula taliyey in aan iska joogo ,waayo qadiyada jirtaa waxaa laga yaabaa in ay dhib ii gaysato wuxuuna iga balan qaaday in uu soo qaadayo isaga ,uun keenayo Magalaada Muqdisho  si aan u kulanano.

Maalin Xasuus, Dhiilo iyo farxad xanbaarsan, goor subax ah ayaa albaabka la soo garaacay waan furay waayo waxaan ahaa qofkii ugu dhowaa waxaa in dhaygu qabteen Mahad oo timihii ku baxeen, aad caato u ah, oo dhalan rogan: naxdin iyo farxad Maxaa dhacay? Walaalkiis C/kariin oo markaa waday ayaa ku yiri “Ma garanaysaa gabadhan wuxuu yiri haa Waa A.M” Waan ku soo booday ,waana  isku duubay gacaliyeheeygii Mahad, daqiiqado kaddib ayuu C/Kariin ii sheegay in aan ahay qofkii ugu horeeyey oo uu garto muddo Labo sano ah.

Waxaan ka codsaday Cabdi Kariin in uu iiga tago si aan bal u derso dareenkiisa iyo sida uu waxa u tabanayo intii hadalka aan wadanay ayuu Mahad iga soo dhex galay isagoo igu yiri “Xagee iga aaday, maxaad ii dishay, xagee igu ogayd” isagoo sii daba dhigay su’aallo badan oo aan garan waayay, si saxariir ah ayaan ugu war celiyay iyadoo su’aalahaas is daba jooga ah aan fahmi waayay.

Mudo kaddib ayaan ku iri “Waa anigaan kuu soo noqday mar dambana kaa tegimayaayo”. Waxaan ka ogaaday muddadii aan wada joognay in aan maskaxdiisu dhamayn uuna u hoggaansan yahay wixii aan iraahdo.

Waxaana go’aansaday in aan u kaxeeyo halkii aan ku noolaa ee Nairobi oo aan la dhuunto waayo waxaan ka baqay in reerkoodu iga diidaan. waxaana arrintaas kala tashaday Khadiijo waxayna tiri “Ku dhaqaaq wixii dhaqqale ahna anigaa kugu saacidaya”.

Waxaan u yeeray walaalkiis C/kariin oo aan u sheegay in uu iigaga tago oo safarkiisa uusan baajin ee marka dambe oo uu soo noqdo uu kaxeeyo, maadaama ay bani’aadamnimadu ku jirto in la is badbaadiyo.

Maxaa Dhacay Intaas Kadib ? Ma’u suuroobay Safarkoodii? Mise wuu ka diiday?

Dhamaan Su’aalahaan Jawaabtooda Kala Soco Axada Dambe Qeybta 4aad.

Share on Facebook

Readers Comments (3)

  1. Maxadhaca says:

    Maxaaidkudhaacaya aawaya sheekadi qeytiinafaraad

  2. A.G says:

    Ar yaakheey maxaa waaye saan, axadu madhamaato miyaa ilmadu waaba nagu qalashaye,fadlan noo dhamaytira.

  3. cobrawali22 says:

    Asc inshaa alaah guul ayaan ku rajaynaya jaceylka. Daacada ah wuu ku laystaaa. Waadna guulaysani my d




Wararka Fanka

nadar

Fananad Go’aan Ku Gartay In Iyada Oo Aan Asturnayn Ay Hees Soo Qadi donin

Fananadan oo Ka mid ah fanaaninta da’da yare ...
asasa

Haku Dhaqmin afar Waxyaabood Marka aad Kugu Da jirtid Kulanka Sariirta

Waxaa la wada og yahay in haweneyda ay ...
ikaraan

Fanaanada Ikraan Caraale Oo Soo Saartay Hees Aan Muuqaalkeeda Looga Baran Sababtu Maxey Tahay?

Fanaanada Ikraan Calaale Oo In Dhawalaba Ka Maqneyd ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta ...
Cali dhaanto

Fanaan Caan ah Cali Dhaanto Oo Ka Goostay Deegaanka Soomaalida Itoobiya!!Sababtu Maxeey Tahay?

Wararka laga helayo Caasimada deegaanka Soomalida Itoobiya ee ...
ikraam

Maxaad Ka Taqaan Fanaanada Caanka ah ee Ikraan Maxamed Caraale?

Fanaanadan magaceeda oo buuxa waa Ikraan Maxamed Caraale ...
Xasan-Cujeeri-300x300

Fadeexo:- Musikiiste Xasan Cujeeri oo Computer-kiisa laga helay Naago uu Sexy ka duubay kadib markii la xiray .

Ciidamadda Boliiska Nairobi ayaa  Xabsiga u taxaabay Musikiiste ...
dareen

Maxaad Ka Taqaanaa Fanaanadda Caanka ah Nimco Dareen?

Fanaanada magaceeda oo buuxa waa Nimco Maxumad Xasan ...
ikraan-caraale-206x300

Ikraan Caraale “Wa Been In La Isoo Taagay Warqad Furiin ah Ee Website yada Waxaas Qoray Ha Xishodaan”

Waxaa Maalmihii ugu dambeeyey soo shaac baxayay warar ...
Sado-300x178

Fanaanadda Saado Cali Warsame Oo Dhaawac Ka Soo Gaaray Shil Gaari

Fanaanada Caanka ah ee Saado  Cali Warsame ayaa ...