Daraasad uu sameeyay Machad kuyaala Magalada Taalaabiib ee Caasimada Yahuuda oo lagu magacaabo Wisemen oo micnaheedu yahay Caaqilada Raga ayaa sameeyay daraasad ay ku ogaadeen in ooyinta faraha badan ee dhinaca haweenka ay yareeso ama hoos u dhigto damaca Haweenka ee dhinaca Raga .
Daraasadan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ooyinta ay saameyn balaaran ku yeelato Jaceylka Haweenka ay u qaadaan Raga sida uu BBCda laanta afka Ingiriiska u sheegay Dr Nacuum Soobal oo katirsan Akadamiga ay ku kulansanyihiin inta badan Khuburada dhanaca Sayniiska iyo Tiknoolajiyada ee Maamulka Israa’iil.
Dr Sabool ayaa waxa uu sheegay in Ooyinta ay hoos u dhigto maadada Jastoostiironka loo yaqaan ee dhinaca cilmiga Bayolojiga ,Drka ayaa sidoo kale tilmaamay in ooyintu tahay dabeecad aan u wanaagsaneen caruurta oo sababi karta cudurada Neefta qanjiro bararka iyo madaxa cunuga oo weynaada. quburadan daraasada sameesay ayaa waxa ay sidoo kae tilmaameen in Ooyintu hoos u dhigayso heerka loogu talo galay Maadada altistaroonka ee ah %19 oo kujirta ama kubadan Jirka haweenka damac ahaan ayna hoos u dhac %13 ah kusameenayso maadada atistaroomka lagu magacaabo ee kumilan waxyaaha kala duwan ee jirka haweenka gaar ahaan dhinaca dareemaha maskaxda oo la tilmaamo in haweenku ay raga kamaskaxbadanyihiin.
Dr Soobal ayaa sidoo kale yiri tilmaamaha kiimikeeda ay bixineyso fariin uu qof u diro qof kale ayaa ah mid badali karta dhaqan bulsheedka qofka fariin diraha ah isagoo intaa raaciyay tani waa daraasad aan filayno in ay saameyn balaaran ku yeelan doonto Qoysaska ay inta badan caruurtoodu ooyaan ee ku dhaqan caalamka daafihiisa .
Dhanka kale Dr Soobal waxa uu intaa kusii daray in ay cimi baaristaan ay bilaabeen Sandkii 2006dii ayna wadeen sanadkan 2011ka iyadoo uu Dr kadigay murugada haweenka iyo Ooyinta faraha badan ,i nkastoo ay Ooyinta ku wanaagsaneen anshaxa iyo dhaqanka Diinteena Islaamka ,hadana quburadan midkoodna ma aaminsana Diinta Islaamka base qubaradani cimiga iyo aqoontooda ayey ku ogaadeen in Ooyintu tahay mid aan sinaba wanaagsaneyn si walbo ay qofku ay dhibaato usoo wajahdo sidoo kalana ay Ooyinta ama murugada sababto hilmaanka ama ilowshiyaha faraha badan ee bini aadamka.
Share on Facebook