Tabardarida soo wajahda lamaanaha xiliga galmada ayaa waxaa lagu qeexa dhibaato soo wajahda xiliga isu taga jinsiga taas oo alaaba lala xiriiriyo qanaaco la’aan kadhalata isu taga.Tusaale ahaan culimada ama dhaqaatiirta jinsiga ayaa waxey sheegaan in illaa 4 heer uu maro isu taga jinsiga taas oo ah, dareemid raaxo marka hore, u bislaasho galmo, kacsi, iyo weliba raali ahaanshiya imaato kadib marka ay dhammaato howsha isu taga taas oo qof walba 2da lamaane ay dareemayaan in ay gareen meel ay u wada hanqaltagayeen oo ah in mid walba uu qanciyay midka kale.
Cilmi baaris lasameeyay ayaa waxey soo jeedisay 43% dumarka iyo 31% ragga in ay so wajahaan culeysyo kaheysta xagga jinsiga.
Mowducaan ayaa ah mid inta badan dadka ay nacebyihiin in laga hadlo lakiin nasiib wanaag kiisaskaan ayuaa ah kuwo inta badan si fudud loo daweyn karo sidaas darteed ayaa waxaa muhim ah in aad lasameysid wada tashi lamaanahaaga iyo dhaqtarka cafimaadkaada. Hadaba Maxaa Sababa Dhibaatooyinkaan?
Asbaabaha sabab cudurkaan ayaa waxaa la’aminsanyahay in ay yihiin laba sabab oo kala ah
1- Sabaabo ah fisikaal ( physical Causes ) 2- Sabaabo ah wal wal laxiriira Masxada (Psychological Causes).
A) Asbaabaha Fisikaalka ah ( Physical Causes) ayaa ah mid laxiriirta cafimaadka , iyadoo ay jiraan cuduro si toos ah loola xiriiriyo in ay sabab u yihiin in haweyneydu uu ku dhacao cudurkaan tabardaridi xagga Galamada ,Waxeyna cuduradaas yihiin:-
1-Cudurka kaadi macaanka amaba sokorowga (Diabetes) oo ah cudurada ku dhaca wadnaha ( Heart Diseases).
2-Cudurada ku dhaca neerfaha (Neurological Diseases).
3-Isu dheelitir la’aanta hormoonada (Hormonal Imbalances)
4-Cudurada karoonikada ah sida cudurka fashilka kilyaha (KidneyFailure),cudurka kale ee fashilka beerka ( liver failure ).
5-Cabida xad dhaafka ah ee alkolada amaba khamriga ama isticmaalka daroogooyinka iyo weliba dhibaato dhinaceedka ay leyihiin qaar ka tirsan dawooyinka sida (Antidepressant drugs) kuwaas oo loo isticmaalo daweynta dadka qaba walaaca ama shooga, dhammaan asbabahaan ay waxey dhaliyaan hoos u dhac ku yimaada damaca xagga galmada.
FG:Hadii qofka uu iska daweeyo Cuduradaan aan soo xusnay,waxeey u weyntahay in ay kordhayaan unugyada dareenka Jinsiyada.
B) Asbaabaha saykolojiga amaba laxiriira dhimirka ayaa isugu jira asbaabo laxiriira daalka amaba istareeska walaac
( Anxiety), walaac ay ka qabto haweneydu galmada.
Dhibaatooyin xagga xiriirka u dhaxeeya labada qof , welwelka xad dhaafka ah , dareemid ah in ay cabsi ka qabaan Lamaanha dhanka galmada.
FG:Hadii ay ku soo wajhaan Dhibaatooyinka aan soo xusanay ama aad dareento in uu sii yaraanayo dacaaaga jinsiyadeed ,isku day in aad xal u hesho dhibaatada taagan ,taasina maahan cudur ku hayo ee waa dhibaato maxsakeed loona baahn yahay in xal loo helo.
Yuu ku Dhaca Dhibaatooyinka Tabardarida Galma?
Dhibaatadaan guud ahaan rag iyo dumarba way ku dhici kara da’ kasta badanaana wuxuu ku dhaca dadka qaangaarka ah ee cafimaadkoda aynu wanaagsaneyn ama ay heesto dhibaato dhanka Maskaxada ah.
Share on Facebook